Allsomaliland.com
“Illaahay Markuu Wax Siiyo Ilowshe Dhawaa Saboolku “Qalinkii Siyaasi Cali Guray Q2aad
June 8, 2017 - Written by Admin

cali gurayDhexdhexaadinta boqorka dalka Kuait ee Qatar iyo dalalka kale ee cilaaqaadka u gooyay iyo farogelinta Turkiga iyo Iran kee bay Dawladda Qatar u dhego nuglaan doontaa? Turkiga oo ah saaxiibka keliya ee Qatar ku taageersanaa sida ay wax u waday gaar ahaan arimaha Carabta, iyo Iran oo Qatar keligeed ay albaab wada hadal la furatay iyagu ma rabaan awood carbeed oo Bariga Dhexe ah waanay ku faraxsan yihiin burburka carabta khilaafkoodana way ka helayaan marka dabka baxaya xaabada u sii kordhi wax aan ahayn lagama fili karo. Labada dalba carabta oo mar u jabta inay helaan way jeclaayeen arinkoodana kama madhna aargoosiyo waayo labaduba utumo hore ayay u tirsanaayaan carabta. Nasiib darrada carabta haysta ayaa ah doqontii tobanka indhood lahayd ee sagaalka iskaga eegaysay sokeeyaha hal ilna cadawgeeda ku eegaysay. Carabtu run marka laga hadlayo waa quwad laga qariyay quwadooda waxay heshiiyeen baa la yidhi mar jeliya oo ay ku heshiiyeen in aanay weligood heshiinin si aanay weligood u noqon quwad jirta oo quwadeeda lagu tixgeliyo markaa xaaladda caalamku sida ay maanta tahay int jabaysa hadii aanay jabinba cidda ugu horaysa inay carab tahay way muuqataa. Waxanay u qaybsami doonaan Israil iyo Iran iyo Turkiga hadii uu helo cid Qatar u soo labaysa. Si degdeg ah ayuu Baarlamanka Turkigu u ansixiyay in ciidamo degdeg ah ay u diraan Qatar si ay Saldhig Milatari uga diyaarsato dalka Qatar. Taasina waxay keeni kartaa in Turkigana intii cilaaqadka u goysay Qatar ay u gooyaan taas oo dhaawac wayn u geysan karta Turkiga gaar ahaan dhaqaalihiisa

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews